Kalmadda Guddoomiyaha

Aniga oo ah Cumar Muuse Caalin, guddoomiyihii loo doortay guddida fulinta ee ururka Laasdhuure, waxaan halkan idin kula wadaagayaa tadawurkii iyo sooyaalkii ururka oo kooban, heerarkii kala duwanaa ee ururku soo maray tan iyo markii hawshiisu bilaabantay, iyo halkan uu maanta marayo sidii uu ku soo gaadhay.

Ururka Laasdhuure; waxa ay hawshiisu bilaabantay 3/April/2024, xilligaasi waxa uu ku bilaabmay su’aal ay is-weydiiyeen xubnaha ururka qaarkood, su’aashaasi oo u dhignayd:

Hadii aynu reer Maxamuud Yoonis nahay, innaga oo ka faa’iideysanayna technology-adda iyo aaladaha casriga ah, ma u baahan nahay bar aynu ku kullano (WhatsApp Group), oo xogta iyo hadba wixii soo kordha aynu ku kala qaadanno?

Su’aashaasi xubnihii is-weydiiyay waxay kaga falceliyeen “Haa Weynu U Baahan Nahay

Kadibna halkaasi ayaa ay hawshii hore uga sii socotay, hawshiina ay u noqotay mid ay ku soo biireen rag badan oo reerka ka mid ah, ilaa tiradii xubnuhu ay kor u dhaaftay 50-xubnood.

Falanqayn, fikir is-weydaarsi, dood iyo xog-urrurin ayaa socotay bishii Ramadaan ee sanadkan 2024 oo dhan, taasi oo u dhexeysay xubnihii xilligaasi hawsha ku jiray, ujeedaduna waxay ahayd in ay gorfeeyaan nooca iyo yoolka hawsha ama barta WhatsaApp Group ka waxa looga faa’iideysanayo ee loo adeegsan doono.

Hadii aynu xusno ama wax ka sheegno doodihii socday bishii ramadaan ee sanadkan 2024, waxa nuxurkoodu noqday sidan:

Natiijadii kulan-doodeedyadaasi online-ka ku baxayay, waxa ka dhashay laba arrimood:

  1. In la qabto doorasho qof iyo cod ah, oo xubnaha ururka lagu weydiinayay, waxa loo adeegsan doono ururkan, iyo baylahda reerkeena barta uu ururku kaga beegmayo.
  2. In ay soo baxaan guddidii u horeysay oo 10-xubnood ka koobnayd, ahaydna guddi ku-meel-gaadh ah, oo isu-xilsaartay in ay hawsha halkaasi ka sii dhaqaajiyaan.

Doorashadii xubnaha ururka ugu codeeyeen ujeedada ururku ku hawlgeli doono, waxa natiijadeedii noqotay in xubnihii ugu badnaa ay u codeeyeen, in ururku xooga saaro arrimaha horumarinta waxbarashada, iyo sidii dhallinyarta reerka looga kaabi lahaa dhanka aqoonta.

Guddidii 10-ka xubnood ahayd ee xilkoodu kumeelgaadhka ahaa, ayaa iyaguna hawsha bartaa ka sii dhaqaajiyay, waxay iska dhex doorteen 5-xubnood oo ay u xilsaareen in ay soo qoraan (draft) xeerkii ururka, kadibna xeerkii oo 10-xubnood ee guddidu soo saxeexeen, ayay u soo gudbiyeen xubnihii guud ee ururka, iyada oo qabyo-qoraalkii xeerka la soo dhigay barta WhatsApp-ka ururka.

Wax-ka-badal iyo kaabis socotay 48-saacadood, oo xubnaha guud ee ururka ay ku sameeyeen xeerkii ururka, waxa gunaanadkii noqday in 01/May/2024 loo codeeyo xeerkii oo dhameystay kaabis iyo kordhinba, natiijadii codbixinta xeerkuna waxay noqotay sidan:

Sida xeerka ururku dhigayay waa in la qabto shirweynihii 1aad ee ururka, si loo doorto guddidii rasmiga ahayd ee ururka hogaaminaysay muddo 2-sanno ah.

Hadaba si shirweynihii u qabsoomo, waxa is-xilqaamay guddi ka kooban 5-xubnood, oo iyagana shaqadoodu kumeelgaadh ahayd, kuwaasi oo u xil-saarnaa:

  1. Qabashada codsiyada musharixiinta u tartamaysa guddiyada ururka.
  2. Qabanqaabinta shirweynaha 1aad ee ururka.

Taariikhdu maalinkii ay ahayd 24-May-2024 ayaa uu qabsoomay shirweynihii 1aad ee ururka Laasdhuure, shirkaasi oo ay ka baxeen guddidii rasmiga ahayd ee hawsha ururka wadaysay, oo ka kooban laba guddi oo kala ah:

  1. Guddida Fulinta oo ka kooban 5-xubnood
  2. Guddida Anshaxa iyo La-xisaabtanka oo ka kooban 5-xubnoon

Gunaanad:

Aniga oo ah guddoomiyihii ururka Laasdhuure, waxaan u mahadnaqayaa dhamaan xubnaha ururka, iyo cid kasta oo ka soo qaybqaadatay socodsiinta hawshan kheyriga ah, ee aynu ugu adeegayno reerkeena.

Waxa aan si gaar ah ugu sii mahadnaqayaa:

  • Dadkii keenay fikirkan togan ee taageerada u ah tolkeen,
  • Guddidii 10-xubnood ee kumeelgaadhka ahaa, ee xeerka soo draft-gareeyay,
  • Guddidii 5-xubnood ee kumeelgaadhka ahaa, ee ka shaqeeyay qabanqaabintii shirweynaha 1aad iyo qabashadii doorashada guddida rasmiga ah,
  • Qurbe-joogtii soo bixisay lacagtii ku baxday shirweynihii 1aad,
  • Iyo dhamaan xubnihii ka soo qaybgalay shirweynaha, kana qaybqaatay codeyntii doorashada guddida rasmiga ah.

Waxa aan Illaahay ka baryaya inuu annagana nagu asturo xilkaa culus ee aad na saarteen.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Kor
error: Fadlan laguuma ogola !!!